Get Mystery Box with random crypto!

Ruqyada Qur’aanka ee Saameynta degdegga ah leh: Qur’aanka waa | Qolka Wasmada Somali

Ruqyada Qur’aanka ee Saameynta degdegga ah leh:
Qur’aanka waa dawo. Wuxuuna allah nagu mannaystay in aan ogaanno aayado si gaar ah u daweenaya cudurrada ay dhakhaatiirtu u maara-waayeen.
Haddii aad Markaz Alyaqiin Alnurani ku jirtid nasiib ayaad leedahay, haddii aad ka faa’ideysatid Ruqyada aynu kusiinno oo aad joogteysid maalin kasta, waxaa hubanti ah in ay kaa guurayaan dhammaan xanuunada aad muddo ku taameysay in uu Allah kaa shaafiyo.
Qofka aan akhrin karin waxaa ku akhrinaya qof xigtadiisa ah.

Marka Ruqyada aad bilowdid, waxaad isku arki doontaa xanuuno kugu kaakacaya, sida Madax xanuun, ama meelo awal ku xanuuni jirey. Taas oo macneheedu yahay Xanuunadaas inay kaa guurayaan; dhankay doonaan haka yimaaddaan.
Taasna waa Allah fadligiis.
Qofkii uu Allah ku daweeyo, waa inuu Allah u mahad-celiyaa, sadaqooyin bixiyaa, Qur’aan akhriska badiyaa, Salaadda joogteeyaa, wanaagga ku dadaalaa.

Dad badan nimcada ma gartaan, mana u mahadceliyaan Allah.